Duqa Muqdisho oo sheegay in waxii hada ka danbeeya la hubin doonno tayada dhismooyinka Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Dib-u-howlgelinta Sheybaarka Hubinta Tayada Dhismaha Dowladda Hoose ee Xamar, kaasi oo ay ka howlgali doonaan qubaro u dhashay dalka Turkiya, si loo tayeeyo dhismooyinka Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in waxii hada ka danbeeya la hubin doonno tayada dhisma wadaagga iyo qalabka dhismaha, asigoona sidoo kale sheegay in la hubin doonno aqoonta Injineerada, si loogu bad-baado dhibaatooyinka ka dhasha bur-burka ku yimaada guryaha Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee BFS, Madaxda Hey’adda TIKA, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.