Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulka Gobolka uu dhiiragelin doono cid kasta oo door ka qaadaneyso maalgashiga iyo horumarinta Caasimadda.
Guddoomiyaha oo ka qeyb galay madal lagu soo bandhigayay mashruuc ballaaran oo la xariira dhismaha casriga ah ee laga fulin doono xeebta Luulka (Ex Mariina Beach) ee Degmada Kaaraan, wuxuuna sheegay inuu aad u bogaadinayo Xaafadda cusub ee Xeebta Luulka (Ex Marina beach state).
Bandhiggan waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Maxmed Axmed Beerreey, Guddoomiyaha Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdikariin Gabeyre, Maamulada shirkadaha Marina beach state, Al-Asab Group, Bulsho Development bank iyo ganacsato ka socotay waddamada Caalamka.
Maamulka gobolka Banaadir, Ganacsatada iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku howlanaa dib u dhiska dalka gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, iyagoo sameeyay goobo badan oo lagu caweeyo iyo meherado casri ah.