Duqa Muqdisho oo qaabbilay madaxa hay’adda WHO Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dawladda Hoose ee Muqdisho kula kulmay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO u qaabbilsan Soomaaliya Marwo REINHILDE VAN DE WEERD iyo Kuxigenkeeda Mudane MOHAMED KAMIL.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta Xiriirka labada dhinac iyo in la iska iskaashado Caafimaadka Bulshada, Sidoo kale soo saarista iyo tababaridda xirfadlayaal gacan ka geysta Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka iyo Xal u helida Barakacayaasha ku nool Muqdisho iyada oo la gaarsiinaayo Adegyada Caafimaad oo ay u baahan yihiin si loo gaaro Yoolka Caafimaadka Loo Dhan yahay (Universal Health).