Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Kusimaha Safiirka dalka Libiya u fadhiya Soomaliya Mudane Nasar Maxamed Alsanuusi oo booqasho sharafeed ugu yimid.
Guddoomiye Dr. Muungaab iyo Danjire Alsanuusi ayaa yeeshay kulan looga hadlay fursadaha iskaashiga ee dhex mari kara Caasimadaha labada dal, iyada oo diiradda la saaray dardargelinta heshiisiyo is-afgarad oo arrimahan la xiriira, kuwaas oo ay hore u kala saxiixdeen Duqa Magaalada Muqdisho iyo dhiggiisa Magaalada Tripoli ee caasimadda Libya.
Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa amaanay kaalinta soojireenka ah ee ay Dowladda Libya ka qaadatay garab-istaagga dalka iyo dadka Soomaaliyeed marxaladdii adkaa ee la soo maray, waxaana uu xusay in maadaama ay labada shacab hadda leeyihiin khibrado isku eg oo dhanka duruufaha colaadaha ah ay muhiim tahay in la abuuro jawi iskaashi iyo khibrad-isdhaafsi ah oo ku dhisan xoojinaya xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah.
Kusimaha Safiirka Libya, Danjire Nasar Alsanuusi ayaa dhankiisa ka mahadnaqay soo-dhawaynta loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana uu ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono dardargelinta xiriirka iyo heshiisyada iskaashi ee labada dhinac, isaga oo soo jeediyay is-dhaafsiga booqashooyin ay Duqa Caasimadda Muqdisho iyo dhiggiisa Tripoli ku kala tegayaan labada magaalo si loo ambaqaado dadaal wadajir ah oo ka tarjumaya danaha horumarineed ee labada magaalo.