Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabbilay wafdi uu hogaaminaayay Agaasimaha Hay’adda cuntada aduunka WFP ee Soomaaliya Mudane El-Khidir Daloum.
Shirka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac, xoojinta Mashaariicda ay Hey’adda WFP ka wado Gobolka Banaadir iyo Qorshayaasha lagu horumarinaayo dhinacyada kalluumaysiga, farsamadda gacanta, Beeraha iyo ilaalinta bulshadda.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyigelinta Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Madaxa xiirirka WFP Sara Cuevas, isku duwaha Mashaariicaha Mohamed Gimbe iyo Madaxa Barnaamijka Nafaqeynta Koofurta iyo Bartamaha.