Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Mire Salaad Dhuxulow u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir, waxaana Xilkii Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam laga qaaday Md. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo Harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.