Duqa Muqdisho oo maanta furay waddooyin xirnaa muddo dheer

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta furay waddooyinka laga galo Airport-ka Muqdisho, kuwaas oo muddo dheer u xirnaa sababo amni darteed.

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo lagu guda jiro 30-kii maalmood ee loogu talagalay in dhagxaanta looga qaado 52 waddo oo muhiim u ah isu socodka Gaadiidka iyo dadweynaha.