Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxa hey’adda TIS-3 ee Soomaaliya+Sawirro

Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay madaxa hey’adda TIS-3 ee Soomaaliya Mr. Iftikhar Ahmed, iyada oo ay shirkan goob joog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale iyo Madaxa Hey’adda TIS-3  ayaa kawada hadlay dardargalinta mashaariicda la xariirta horumarinta Caasimadda, gaar ahaan dib udhiska goobaha danta guud, shaqa abuurka dhallinyarada, tababarada shaqaalaha iyo wacyigelinta degmooyinka xiga duleedka magaalada.