Duqa Muqdisho oo kulan sagootin ah u sameeyay wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Maddaale) ayaa casho sharaf sagootin ah u sameeyay wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed oo uu horkacayo wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud.

Wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee labada heer dowladdeed ayaa ka qayb-galay shir wadatashi ah oo uu marti qaadkiisa iska lahaa Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo dhamaadkiisii laga soo saaray war-murtiyeed la wada saxiixay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdishu ayaa wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ku ammaanay sida uu Xil isaga saaray joogtaynta iyo hagaajinta xiriirka labada heer ee dowladdeed.

Dhinaca kale Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wasiirrada dowlad goboleedyada ayaa ka mahadceliyay marti qaadka Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee gobolka Banaadir oo ay ka mid tahay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir  marwo Basmo Caamir Shakeeti qaar ka mid Guddoomiyaasha degmooyinka gobolka, guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir  Marwo  Jawaahir Baarqab iyo guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Cabdikaafi Maxamuud Makaraan.