Duqa Muqdisho oo kormeeray Xarunta Ololaha “Hooyo u Hiili Qarankaaga”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray Ololaha “Hooyo u Hiili Qarankaaga” kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan Haweenka Soomaaliyeed si ay u garab istaagaan Ciidanka Xoogga dalka ee ku jira howlgallada dalka lagaga sifeynayo kooxaha Khawaarijta.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay doorka haweenka Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadanayaan halganka dalka looga xoreynayo Kooxaha Khawarijta ah, islamarkaana ay isku xilqaameen sidii cunnooyinka qalalan loo gaarsiin lahaa geesiyaasha dalka, waxa uuna balan qaaday in uu kaalintiisa ka qaadan doono taageeridda iyo garab istaagga Ciidamada Qaranka.