Duqa Muqdisho oo kormeeray Xarumo dhowr ah oo Gobolka Banaadir ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xaruma ay kamid yihiin Biyaasa Liibaro iyo xarunta Sheybaarka Dhisma dowlada hoose Xamar.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa mid uu duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ugu kuur galaaye bilicda Caasimadda iyo howlaha muhiimka ah oo ay xarumahaasi bulshada u haayan.

Gudoomiyaha ayaa inta uu kormeerkan kujiray waxa uu faray Guddoomiyaasha degmooyinka in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan ilaalinta nadaafada iyo bilicda.