Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Maanta kormeeray Deegaanka Xaaji-Cabdi ee Degmada Gubadley, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu u qorsheeyay dib-u-dejinta Shacabka ay saameeyeen qorshayaasha casriyeynta Caasimadda.
Deegaanka oo dhawaan laga hirgeliyay Dugsi Hoose iyo Dhexe oo Lacag la’aan ah, ayaa sidoo kale leh Adeegyada aasaasiga ah ee Nolosha, sida Biyaha iyo korontada. Sidoo kale, waxaa loo qorsheeyay in laga hirgeliyo Suuq, Masaajid iyo rug Caafimaad.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabadan la fulinayo iyadoo la raacayo amarka iyo jihaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo faraya in casriyeynta Caasimaddu ay barbar socoto ilaalinta xuquuqda iyo karaamada Muwaadiniinta.
Waxa uu xusay in 1,058 (kun iyo konton iyo siddeed) Boos oo Dhul ah uu Maamulka Gobolka Banaadir u iibiyay Dadka ay saameeyeen hawlaha Jid-bixinta, kuwaas oo si Lacag la’aan ah loogu wareejinayo Qoysaska Guryahoodu ku soo aadeen Jidadka laga bixinayo Xaafadaha isku-raranka ah (Obasiibooyinka).
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha dib-u-dejinta la sii ballaarinayo, iyadoo Dhulal cusub laga iibin doono Degmooyinka Daarusalaam, Kaxda iyo Garasbaaley, si halkaas loo dejiyo Qoysas kale oo ay saameeyeen hawlaha casriyeynta Caasimadda.
Kormeerka waxaa Duqa Muqdisho ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Agaasimayaal ka tirsan waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Dhanka kale, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta XFS ayaa waddo qorshe lagu dhisayo 10,000 (toban kun) oo Guri oo loogu talagalay Shacabka Soomaaliyeed.




