Duqa Muqdisho oo guddoomiyay shir ku saabsan sare u qaadidda Dakhliga Dowladda hoose

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo loogu hadlay sare u qaadidda Dakhliga Dowladda hoose iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa waaxyaha Dakhliga, Maamulada Degmooyinka iyo Hey’addaha Amniga.

Shirka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Laamaha Amniga iyo Agaasimayaasha Dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sidoo kale loogu hadlay sare u qaadida adeegyada aas-aasiga ah si bulshada dib loogu celiyo canshuurta.