Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddada isku xirta Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Masjidka Minaaradaha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddada isku xirta Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Masjidka Minaaradaha ee Degmada Hodan oo ay dhismaheeda iska kaashan doonan dadka deegaanka iyo maamulka degmada.

Munaasabada dhagax dhigga waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcale iyo Guddoomiyaha Degmada Hodan Mudane Cali Fahle.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay bulshada Caasimadda in ay dhaqaalahooda ku yaboohaan dib udhiska magaalada iyo bilic soo celinteeda.