Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay mashruuca dib u dhiska Iskuulka Bartamaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska Iskuulka Bartamaha, oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee taariikhiga ah ee Soomaaliya.

Iskuulkan oo la dhisay xilligii gumeysiga, ka hor sannadihii 1960-meeyadii, ayaa muddo dheer u adeegayay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dhismaha iskuulka oo duugoobay, isla markaana burbur xooggan soo gaaray uu halis ku ahaa badbaadada iyo amniga ardayda iyo macallimiinta, taas oo keentay baahida loo qabo dib-u-dhis iyo casriyeyn.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in dib-u-dhiska iskuulkan uu qayb ka yahay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinayo adeegyada waxbarashada, laguna xaqiijinayo badbaadada ardayda iyo macallimiinta.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cali Maxamed iyo Guddoomiyaha Maamulka Degmada Shingaani.