Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha waddo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dib-udhiska Buundada 1-aad ee Israac oo dhexmarta degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab oo ay ka muuqato burbur.

Dhismaha mashruucan oo uu fulinaayo maamulka Gobolka Banaadir ayaa sida uu qorshuhu yahay lagu dhisi doona muddo ku siman 30-Cisho si loo muujiyo bilicda waddadan oo Halbowla u ah isku socodka degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana-Boore) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku tilmaamay dhismaha waddadan mid muhiimad gaar ah u isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa digniin adag u diray cid kaste oo caqabad ku ah bilicda iyo dhismaha Waddada Buundooyinka, isaga oo fariin gaar ah u diray Shirkadaha iyo Gaadiidka Xamuulka ah.