Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha waddada xiriirisa Xoosh iyo Ex-Koontarool Afgooye

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Wadada dheer ee xiriirisa Xoosh illaa Ex- koontarool Afgooye, taasi oo dhex marta Degmooyinka Dharkeenley, Kaxda iyo Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Jimcaale, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dharkeynley, Kaxda, Garasbaaley, madax ka socotay Shirkada Buruuj iyo rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo gacan ka geysana dhismaha waddadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ee qeyb weyn ka qaadan doonto isku socodka iyo isku xerka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Shabeelaha Hoose, fududeynta Ganacsiga isaga kala goosha labada Gobol iyo in culeeska isku socod ee Magaalada Muqdisho uu aad u yaraado.