Duqa Muqdisho oo daah-furay mashruuc lagu naleynayo Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Barnaamijka (MAR KALE IFI MAGAALADAADA) oo lagu naleynaayo Caasimadda Muqdisho.

Daah-furka Naleynta Caasimadda ayaa caawa ka bilawday Wadada dheer ee Makka Al-Mukaramma, iyadoona Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay wehlinayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulkiisa uu lacag dhan 2,500,000$ u qorsheeyay Barnaamijka (MARKALE IFI MAGAALADAADA) oo lagu ifinaayo Caasimadda Muqdisho.