Duqa Muqdisho oo casha sharaf u sameeyay Cayaartooyda Xulka Qaranka ee 17-jirrada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Casho sharaf u sameeyay xalay Cayaartooyda Xulka Qaranka 17-jirrada ee kusoo guuleystay Koobka Kubadda Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA U17 ee dhawaan kusoo idlaaday Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Munaasabadan casho sharafta ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xildhibaano, Maamulka Cayaaraha Kubadda Cagta dalka, Kuxigeenada Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin Fanaaniin iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Cayaartoyda guddoonsiiyay Hadiyad Lacageed oo uu ugu tala-galay in uu ku dhiirageliyo, iyadoona sidoo kale Hadiyado halkaasi lagu guddoon siiyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo waqti badan geliyay dhiiragelinta Cayaartoyda.