Duqa Muqdisho oo bogaadiyey horumarka ganacsi ee ka jira dalka

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo ka qeyb galay munaasabad lagu abaalmarinayay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed (Somali Business Awards) ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay horumarka ganacsi ee kusoo badanaya dalka, asigoo amaanay ganacsatada Soomaaliyeed ee latimid hal abuurada iyo ganacsiyo casri ah ee aan horay looga aqoon dalka.

Mudane Cumar Filish ayaa sheegay inay tani horseedi doonto tartan furan oo horumar leh taasi oo keeni karta in lagu baratamo wax soo saar iyo wax qabad waxtara guud ahaan dalka, mar hadiiba ay jiraan hay’ado ay ka mid tahay Somali Business Awards oo u taagan dhiirri gelinta ganacsatada hal-abuurka leh.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn bogaadiyay cid kasta oo gacan ka geysatay qabashada barnaamijkan, iyaguna ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin.