Duqa Magaalada Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha ku nool Caasimadda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u ah horumarinta adeegyada dowlad-hoose, kuwaas oo laga hirgelinayo Degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.

Munaasabad oo si heer sare ah loo soo agaasimay  lagu dhagax-dhigayey mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha iyo dayactirka xarumaha Taliska Ciidanka Ilaalada Xamar, Xarunta Waaxda Dhismaha Wadaagga, iyo Xarunta Waaxda Diiwaangelinta Dadweynaha (Anagrafi) ee Dowladda Hoose ee Xamar. Mashaariicdan ayaa laf-dhabar u ah tayeynta adeegyada dadweynaha, kobcinta amniga, iyo casriyeynta nidaamka maamul ee caasimadda.

Duqa caasimadda Muqdisho, Dr. Muungaab, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa xusay in dhismaha xarumahan uu ka tarjumayo go’aanka adag ee Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan hagaajinta hufnaanta adeegyada, xoojinta diiwaangelinta dadweynaha, iyo dhismaha kaabayaal dowladeed oo waara. Waxa uu tilmaamay in muddo dheer aan xarumahan la dayactirin, isaga oo hoosta ka xarriiqay in “gacanna doorasho lagu galayo, gacanna amniga lagu sugayo, isla markaana la joogteynayo horumarinta iyo dib u dhiska.”

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Ilaalada Xamar, Guddoomiyaha Degmada Shingaani, iyo mas’uuliyiin kale.