DULQAAD LA’AANTA LAGU ARKO BARAHA BULSHADA MAXAA SABAB U AH?

Aadanaha wuu kala duwan yahay mana jirto labo oo isku mid ah xitaa mataanaha aan la kala garan ee wada dhashay..waayo qof walba qofka kale wax buu kaga duwan yahay.

Sidoo kalena waxaan isku mid aheyn dabeecadaha dadka oo waxaad arkeysaa qof u sameysan guluf ,,colaad ama xanaaq iyo caro joogto halka mid kale oo laga yaabo in ay wada dhasheen uu yahay qof degan , qabow oo aad u wanaagsan oo leh is dhexgal bulsho.

“Maxay yihiin astaamaha qofka leh isdhexgal bulsho oo dadka si walba ula noolaan kara?” ayaa la weydiiyey nin aqoon u leh culuunta (Pyschology) ee shaqada ku leh dhinaca maskaxda iyo dabeecadaha wuxuuna yiri “Qofkani wuxuu leeyahay degenaan uu wax ku dhageysto..qofka wax dhageysta ee dadka kale marka ay hadlayaan fursadaha siiyana waa qof wanaagsan”.

Ma aha dhageysiga oo keliya ee bulshada dhexgalkeedu waxay u baahan tahay in qofku leeyahay dulqaad oo mararka qaar waxyaabaha lama filaanka ah eek u iman kara uu si fudud u arki karo oo aanu isla markiiba caro ka qaadin.

Tusaale ahaan waxaad arkeysaa qof eray uu si u yiri in qof si kale u arko oo uu isla markiiba caro ka muujiyo oo uu ku dhaqaaqo falcelis aan loo baahneyn taas oo haddii uu si degan uga fekeri lahaa laga yaabo in aanu u arki laheyn wax sidaas u weyn.

Dulqaad la’aanta faraha badan waxaa beryahan dambe lagu arkaa baraha bulshada oo inta badan aad ku arkeyso dad si caro eh eedeymo iyo xitaa aflagaadooyin isugu dhaafasanaya iyagoo aan ka fekerin dhibta ay u leedahay sumacadooda iyo in erayada qaar ee ay isticmaalayaan ay muuqaal xun ka bixinayaan sida ay u fekeraan.

Bulshada laguma dhex galo war badni ama af dheeri waxaa lagu dhex galaa sumcad fiican iyo hab soo jiidasho leh oo aad u abbaarto la dhaqanka iyo dhex galka bulshada.

Dhaqanka wanaagsan waa in dadka aad soo dhex dhigto fikir wanaagsan iyo erayo wanaagsan oo ka tarjumi kara qaabka aad u fekerto waayo ficilkaaga ayaa laga qiyaas qaataa qaabka aad u fekereyso oo ay ku jirto oraahdo aad mar walba ku isticmaasho bulshada dhexdeeda.

Wanaagga qofka ayaa is bari kara dadkuna way ku bartaan qofka hadba dabeecadaha uu bulshada la dhex yimado..hadaba qofka fikrado iyo afkaar qaldan hadduu dadka la dhex socdo oo weliba ku adeegsado baraha bulshada ee lagu wada jiro maxaa ka dhalan kara.

Si kastaba ha ahaatee waxyaabaha qaar ee lagu dhex arko baraha bulshada ma aha dhaqan fiican waxayna u baahan tahay in qof kasta uu ka taxadaro waxa uu bulshada dhex keenayo waayo dadku waxay rabaan wax wartar leh oo anfacaya ee ma raabaan wax iska dheh uun ah oo lagu soo qoro ama looga hadlo baraha bulshada ..

Ogow maanta wixii aad ku bandhigto bar bulsho ha ahaato bar Youtube ama facebook waxay noqonayaan wax keydsan berrina lama dafiri karo oo waa keyd qof walba horyaala oo adigana kuu yaalla.

Dhaqanka wanaagsan iyo dabeecadda suubban waa aadanaha oo isaga diga xumaanta wanaagaana is fara ee weligaa ha u adeegsan baraha bulshada wax xun hana ku muujin akhlaaqiyaad aan loo baahneyn oo iska dheh uun ah

 WQ: Mohamed Shiil