DUCADA WAALIDKA WAA FURAHA JANNADA

Bari baa islaan aad u da’wayn oo dhul hawd ah ku nooleed, 1wiil oo ay aad u jecleedna ilma ka dhashay , waxaa kadeeday wiilkeedii oo ahaa mid aad u dhib badan oo mar walba lug-goyn jiray ficilo aanay ku farxin si joogto ah u samayn jiray.

Maalin maalmaha kamida ayadoo uu qorshuhu yahay ; in barito la hayaamo oo deegaanka oo markaa colaad iyo abaar isku darsaday laga digo-rogto, ayuu 1-kii rati ee uu reerku ku guuri lahaa asagoon kala tashan gowracay oo birta ka aslay.

Markay ogaatay inuu ratigii qalay reerkuna wuxuu bari ku guuro aanu haysan, ayay aad u xanaaqday markaa bay tiri ” maandhow habaar kale kuuma quuree idman alle kaa buubyoo” ,

isla galabtii ayaa reerihii cadow soo weeraray, dhamaan waa lawada cararay asaguse waa dhaqaaqi waayay oo lug ayuu ka kabaabyoonayay, cadowgii ayaana ka daba yimid meeshii ku dilay.

sidoo kale cadowgii waxa ay bilaabeen in ay bili liqeystaan aqal somaligii reerka goobta oga carareen sidoo kale waxa ay qaateen wixii alaab ahaa oo goobta looga cararay.

reerkii ayaa soo gurya noqday kadib markii ay cadowgii goobta iskaga tageen,

waxaana ay lakulmeen wax ay aad ula yaabaan oo ay kamid yihiin maamadii da’da weyneed wiilkeedii oo ay habaar u quuri weysay oo goobta lagu dilay,

Sidoo kalena waxaa ay lakulmeen gurigii ay ku hoyanaayeen oo la bili liqeystay oo cadowgii goobta raad xumo oga tagay.

-dulucda sheekadu: waxa ay ku saabsanatahay waa inaanu habaar waalid yaraan iyo waynan lahayn, loona baahanyahay in waalid mar walba baari loo ahaado oo laga ducaysto.

   

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan