Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha,Lacagtan waxaa si toos ah loo gaarsiiyay xoolo dhaqatada dalka ee ka faa’iidaystay barnaamijka DRIVE ee caymiska xoolaha.
Lacagtan waxaa helay 17,734 xoolo-dhaqato ah oo is diwaangeliyay xilliyadii Gu’ga (April 2025) iyo Dayrta (October 2025).
Bixinta caymiskan waxay timid kadib markii tusmada abaaraha Takaful ee ku salaysan xogta dayax gacmeedka uu xaqiijiyay in roob la’aantii dhacday Dayrtii October–December 2025 ay si weyn u baabi’isay dhul daaqsimeedka gobollo badan, Xoolo dhaqatadii iibsatay caymiska abaaraha waxaa lacagaha si toos ah loogu shubay akoonnadooda moobilka.
Qoysaska helay lacagtan ma aheyn kaalmo la siiyay, balse waa dad horey u iibsaday caymiska Takaful, oo ah nidaam waafaqsan Shareecada Islaamka kuna dhisan mabda’a wadaagga khataraha iyo iskaashiga bulshada. Caymiska Takaful waa aalad maaliyadeed oo lagu xoojinayo adkeysiga dhaqaale ee xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.
Barnaamijka DRIVE waa tusaale ka mid ah hindisaha cusub ee Bangiga Adduunka ee la yiraahdo ‘AgriConnect’, kaas oo isku xiraya saddex arrin oo muhiim ah: 1-dib-u-habayn sharciyeed (sida hirgelinta Sharciga Takaful), 2-maalgelin guud iyo mid gaar, iyo 3-maalgashiga kaabayaasha dhijitaalka ah, Waxa uu si isku dhafan isugu xirayaa suuqyada xoolo-dhaqatada, adeegyada maaliyadeed, tignoolajiyada, iyo horumarinta xirfadaha.


