Dowladda Soomaliya oo qaadaysa wejigii labaad oo hawlgalka ka dhan ka ah khawaarijta

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo lagu doonayo sidii ay guulo wax ku Ool ah uga gaari lahayd dagaalka ka dhanka ah malleeshiyada Khawaajita Ee Al-shabab,iyo sidii looga xorreyn lahaa deegaanada faro ku tiriska ah ee ay ku gabadaan dadkana ay ku dhibaateeyaan.

Deegaanada malleeshiyadka laga xorreyay ayaa waxaa loogu tagay Baraaggaha lagu keydin jiray biyaha xilligga u da’o roobka oo isku badalay goobo qalalay ka dib markii kooxa khawaarijtu ka Aaseen oo ay ka dhaceen dadkii lahaa kana xireen biyihii iyagoo ka dhigtay dhufays gabaad u ah.

Dadka reer miyigah ayaa xilligga roobka waxay keydiin jireen biyaha si marka ay ka soo noqdaan deegaanada aan lahayn keydka ee roobku ku yaaraday ay uga cabaan keydkii biyaha ee Baraaggaha looga roob raacay,balse dhulka ay ku dhuumaaleysanayaan malleeshiyada Khawaarijta ah Ee Al-shabaab waxay dadka kala kulmeen in laga Aaso baraaggaha,ceelasha laga cabo biyaha iyo in ay ka duugaan si ay ugu dhibaateeyaan dadka ka soo hayaamay goobah biyo yaraanta ay ka jirto.

Deegaanada ay kooxda ku Khawaajita ay ku dhuumaaleysto ayeysan u ogolayn wax horumar ah dadkuna way isaga caraaran si ay u helaan goobo ay ka heli karan carruurtooda waxbarsho,caafimaad iyo nabadgalayo ay ku nastaan waalidka iyo carruurta si ay uga nabad galaan dhaqanka gurracan ee Khawaajita.
Ciidamada xoogga dalka ayaa bartamahii sanadkii tagay ku qaaday guluf colaadeed oo ay xididada ugu siibaan malleeshiyada Khawaarijta ee Al-shabaab,si ay dadka uga gudbaan caqabada ku horgudboon ee dhanka nolosha.

Goboladda laga xorreyay oo ay ku dhuumaaleysanayaan ayaa waxaa ka mid ah gobolka Hiiraan,Galgaduud,Shabeellaha dhexe,Mudug oo ay dhammaan qeybo ka mid ah laga saaray  dadkuna ay heleen diirimaad nololeed oo ay ugu guryo noqdaan.
Dowladda ayaa qaaday talaabooyin cuna qabatayn oo dhanka dhaqaalaha,isticmaalka warbaahinta,la dagaalkanka fikirka xagjireeynta Khawaajita,taas oo khasab ka dhigtay in ay isoo dhiibaan dagaalmayaasha malleeshiyada naf la cariga ah.

Dhanka kale malleeshiyada waxaa gacntooda ka baxay qaybo ka mid ah goboladdii  saldhigyada u ahaa oo ugu muhiimasana gacan ku hayntoodaiyagoo haatan ku harsan qaybo yar oo ka mid ah goboladda dalka,Xukuumadda ayaa xoogga saartay labo arrimood oo kala ahaa la dagaallanka Al-Shabaab iyo wax ka qabashada dhibaatada abaarta sanadkii tagay,waxaa ayaa ka gaartay guulo la taaban karo taniyo bilowgi dagaalka ka dhanka ahaa Khawaajita.