Dowladda Soomaliya oo mamnuucday baahinta wararka la xiriira argagixisada Al-shabaab

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jirqaad ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa ka warbixiyay howlgalada dalka looga ciribtirayo maleeshiyada argagixisada Al-shabaab.

Wasiirka wuxuu sheegay in dagaalka khawaarijta Al-shabaab lagu soo kordhiyay labo furin oo ah in laga joojiyo dhaqaalaha baadda ah ee dadka Soomaaliyeed inta ay ka gurtaan isla iyaga dib ugu gumaadaya iyo sidoo kale in la joojiyo faafinta fikirka cabsi gelinta iyo marin-habaabinta ah ay waqti 20-sano ku dhow dadka Soomaaliyeed ku dhex faafinayeen.

” Waxaa la mamnuucay Baahinta Wararka Argagixisada, talaabooyin ayay qaadday dowladda waxaana la xiray ilaa 40 barood oo Khawaarijtu Ku baahineysay Wararkeeda, waxana la beegsan doonaa Warbaahin kasta ama shaqsi kasta oo lagu helo faafinta farriinta Kooxdaas”, ayuu yiri Wasiir Al-cadaala.