Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in hawlgalladii u dambeeyey lagu dilay 200 oo ka tirsanaa Khawaariijta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay howlgalladii u dambeeyey  ku dileen 200 oo ka tirsan kooxda khawaariijta argagixisada Al-Shabaab,deegaannada ku yaalla dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Jubaland, tan iyo bilowgii toddobaadkan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay xaalladihii iyo isbeddeladii ugu dambeeyey ee ku guulaysatay Dowladda soomaliya.

Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri “Howlgalladan oo ahaa kuwo xooggan ayaa lagu dilay ku dhawaad ​​200 oo maleeshiyaad ah oo ka kala dhacay deegaannada “Qayacad” ee Galmudug, “Sabid” oo Koonfur Galbeed ah iyo “Afmodow” oo ka tirsan Jubbaland, isagoo sidoo kale xaqiijiyey in ciidanka la wareegeen deegaanno kala duwan.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ay u suurtagashay shalay subaxnimadii Talaadada in ay gacanta ku dhigaan horjooge Salmaan Daadir oo ahaa sarkaalkii qaraxyada u qaabilsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaano ka tirsan gobolka Mudug, oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale Waxa uu Wasiirku carabka ku dhuftay in shacabka Soomaaliyeed ay bilaabeen inay ka jawaabaan awaamiirta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku aadanaa sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada, lagana shaqeeyo sidii ciidanka loo garab istaagi lahaa, loona dhiiri gelin lahaa naf iyo maalba, sidoo kalena  Ra’iisul Wasaaraha XFS uu qabtay dhowr jeer, Kulamo uu la qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir si sare loogu qaado amniga caasimadda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa ka hadlay go’aanka Hay’adaha amniga, kaasoo loogu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ka fogaadaan cid kasta oo gacan siinaysa kooxaha xiriirka la leh argagixisada.