Dowladda Soomaaliya oo walaalaha Masar uga tacsiyeysay shilkii Tareen ee ka dhacay Dalkaasi

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kaddib shilkii tareen ee 8-dii Nofeembar 2026 ka dhacay Magaalada Giza, kaas oo sababay Dhimasho iyo Dhaawacyo.

 

Dowladda Soomaaliya waxay murugada la qeybsaneysaa Walaalaheeda Reer Masar xilligaan adag.

 

Waxaan Alle uga baryaynaa inuu u naxariisto Dadkii ku geeriyooday shilka, samir iyo iimaanna ka siiyo Qoysaskooda iyo Eheladooda ay ka baxeen, halka Dadka dhaawacmayna aan u rajaynayno Caafimaad degdeg ah oo buuxa.