Dowladda Soomaaliya oo wadda da’daallo dalka dib loogu soo celinayo dhallinyaro ku dhibteeysan Dalka Liibiyo

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysa dhibaatooyinka dhallinyarada u tahriibtay dalka Liibiya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii dalkooda loogu soo celin lahaa, iyadoo dhawaan dalka ku soo celin doonto 15 kamid ah kuwa ku dhibaateysan halkaasi.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya kula kulmay koox dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo go’aansaday inay dalkooda hooyo ku soo laabtaan ka dib markii dhibaatooyin badan la kulmeen xilli ay doonayeen inay ka sii tahriibaan wadankaas.

Wasiirka ayaa ku wargeliyay dhallinyaradaan in 15 ka mid ah ay diyaar yihiin Tikidhadooda iyo waraaqihii socdaalka ay ku noqon lahaayeen oo 11-ka bishan June ay ka degi doonaan magaalada Hargeysa, halka 25 kale oo iyaguna is diiwaan geliyeen inay ka degaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo soo dhamaystiri doono documents-ka socdaalka inta aysan bishan June dhammaan.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku booriyay dhallinyaradan go’aanka geesinimada leh qaatay, isagoo ugu baaqay dhallinyarada kale ee faraha badan ee Tripoli jooga inay sidaas oo kale sameeyaan.

Wasiirka ayaa la wadaagay dhallinyarada horumarka la tiigsanayo sanadaha soo socda iyo maalgashiga caalamiga ah oo sahlaya shaqo abuur xooggan.