Muqdisho(Wargeyska Dalka)–War-saxaafadeed: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay walaac xooggan ka muujinaysaa faragelinta joogtada ah ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ku hayso Arrimaha Gudaha Dalka Soomaaliya.
Faragelintaasi waxay wiiqaysaa madax bannaanida, wadajirka Dhuleed iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo laga duulayo Khudbaddii Qaran ee uu Maalintii Talaadada aheyd jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Dowladda Soomaaliya ayaa adkaynaysa mowqifkeeda ku aaddan diidmada faragelin kasta oo Shisheeye ama heshiisyo Amni oo barbar socda nidaamka Qaranka, kuwaas oo hareer maraya Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah Hay’adda keliya ee awoodda u leh xiriirka Diblomaasiyadeed ee Dalka.
Soomaaliya waxay Dowladda Imaaraadka Carabta ugu baaqaysaa in dhammaan xiriirrada ay la leedahay Soomaaliya ay si toos ah ula yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo Shuruucda Caalamiga ah.
Cabashada Soomaaliya waxay si gaar ah ugu saabsan tahay Siyaasadaha Dowladda Imaaraadka Carabta, mana ahan xiriir Saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Shacabka Soomaaliyeed iyo Shacabka Imaaraadka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka Sharciyeed ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta Madax Bannaanideeda, Wadajirka Dhuleed iyo Midnimada Qarankeeda.

