Dowladda Soomaaliya oo puntland ugu baaqday in ay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku caddeyneyso in dowladda Federaalka ay ka xuntahay dhacdadii nasiib daradda ahayd ee ka dhacday degmada Dhahar ee gobalka Sanaag.

Hadalka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri” Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay dhacdadda nasiib darrada ah ee ka dhacday degmada Dhahar ee gobolka Sanaag”.

Wasaaraddu waxay tacsi u direysaa muwaadiniinta halkaas ku geeriyooday waxeyna alle uga baryeysa caafimaad taam ah intii ku dhaawacantay.

Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ku lugta leh rabshadaha in ay joojiyaan, sidoo kale bulshada deegaanka iyana waxaan ugu baaqaynaa daganaan iyo xasillooni.

Wasaaraddu, waxay si xushmad leh uga codsanaysaa Isimada dhaqanka, culimada iyo waxgaradku in ay u istaagaan xakameynta iyo soo afmeerista xiisadda Dhahar lagana hortago dhacdooyinka noocaan oo kale ah.

Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa madaxweynaha Puntland in uu joojiyo falalka sii hurinaya collaadda isla markaana uu dib u celiyo ciidamada uu kasoo diray degmada Qardho, kuwaas oo loogu talo galay in ay Khawaarijta ladagaalamaan balse nasiib darro loo weeciyay dano kale oo aan wax tar lahayn.