Geneva(Wargeyska Dalka):- Khadra Mohamed Dualle, Safiirka ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada Geneva ee Xarunta Qaramada Midoobay , ayaa muujisay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyo xoojinta Iskaashiga ay la leedahay Beesha Caalamka, xilli ay ka hadlaysay kulan ka dhacay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.
Safiir Khadra ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto hirgelinta isbeddello lagu xoojinayo Dowladnimada, Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, iyo Horumarinta Barnaamijyo horumarineed oo loo dhan yahay.
Waxay sidoo kale xustay in Soomaaliya ay qiimeyso Wada-Hadalka iyo Iskaashiga ay la leedahay Dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamiga ah, iyadoo tilmaantay in Iskaashigaasi uu muhiim u yahay taageeridda Dib u Dhiska iyo Horumarinta Hay’adaha Dalka.
Safiir Khadra ayaa ugu dambeyn adkaysay in Soomaaliya ay sii wadi doonto la shaqaynta Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada Caalamka si loo xaqiijiyo Nabad, Xasillooni iyo Horumar Waara.

