Azerbaijan(Wargeyska Dalka)- : Wafdi Xildhibaano ah oo ka socda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana uu hogaaminayo Xildhibaan Dr. Maxamed Sheekh Axmed ayaa ka qeyb galay Kalfadhiga 20-aad ee Midowga Baarlamaannada Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (PUIC), kaasoo lagu soo gaba gabeeyey Magaalada Baku ee Caasimadda Dalka Azerbaijan, waxaana Shirka goobjoog ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow.
Shirka oo looga hadlay Horumarinta koboc Dhaqaale oo waara, loo siman yahay, kana hanaqaada dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyadoo lagu xoojinayo Iskaashiga Baarlamaannada ayaa Xildhibaan Dr. Maxamed Sh. Axmed (M.Xaaji)oo Wafdiga Soomaaliya Shirkaasi uga qeyb galay hogaaminayey waxa Khudbad uu Shirka ka jeediyey kaga hadlay xaaladda Soomaaliya, xoojinta Iskaashiga Dalalka Islaamka, ilaalinta Qaranimada, Madaxbannaanida iyo Midnimada Dalalka Xubnaha ka ah Ururka, isagoo soo jeediyey inuu Ururka cambaareeyo tallaabo kasta oo lagu wiiqayo Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, intii uu socday Shirkaasi ayaa waxaa Soomaaliya loogu doortay in ay Xubin ka noqoto Guddiga Fulinta ee Ururka Baarlamaanada Dunida Islaamka, taas oo ka tarjumaysa kororka kalsoonida iyo doorka Soomaaliya ee Ururka.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee Shirkan ayaa muujineysa sida ay uga go’an tahay difaaca Qaranimadeeda, xoojinta Xiriirka ay la leedahay Dalalka Islaamka, iyo horumarinta Iskaashiga iyo isfahamka Dalalka Xubnaha ka ah Ururka





