Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in la joojiyo shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ah ee ka jira Baydhabo

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed ay ku muujinayaan sidaay uga  xun yihiin shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

Dowladda Federaalka waxay ku boorineysaa dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.