New Delhi-(Wargeyska Dalka) – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax, oo uu wehliyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Indiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha Guud ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee Tamarta Qorraxda (International Solar Alliance – ISA), oo lagu qabtay Magaalada New Delhi ee Dalka Indiya.
Shirweynaha ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Indiya, Mudane Narendra Modi, iyadoo ay ka soo qaybgaleen Madax, Wasiirro, Wakiillo Dowladeed iyo Ergooyin ka kala socday in ka badan 130 waddan.
Khudbaddiisii furitaanka, Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa adkeeyey muhiimadda Iskaashiga Caalamiga ah ee horumarinta Tamarta nadiifta ah, ilaalinta Deegaanka iyo xaqiijinta helitaanka Tamar waarta.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Tiknoolajiyadda Casriga ah, Maalgelinta iyo Khibradda Farsamo si caddaalad ah loo gaarsiiyo dhammaan Waddamada, gaar ahaan Dalalka Afrika.
Waxa uu sidoo kale soo bandhigay hindisaha Sanduuqa Tamarta Qorraxda ee Afrika oo dhan 200 Milyan oo Doolar, kaas oo loogu talagalay dhiirrigelinta mashaariicda tamarta Qorraxda iyo ballaarinta helitaanka Tamar nadiif ah ee Dalalka Afrika.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in awoodda Tamarta aan Shidaalka laga dhalin ee Indiya ay gaartay 308 gigawatt (GW), iyadoo hiigsanaysa in ay gaarto 500 GW marka la gaaro Sannadka 2030. Waxa uu sidoo kale tilmaamay Fursadaha Maalgashi ee ka badan 220 Bilyan oo Doolar ee laga filayo waaxda Tamarta nadiifta ah ee Indiya dhammaadka Tobankan Sano.
Intii uu khudbadda jeedinayey, waxa uu tusaale u soo qaatay barnaamijyada PM Surya Ghar iyo PM-KUSUM, kuwaas oo dhiirrigelinaya adeegsiga Tamarta Qorraxda ee Guryaha iyo Beeraha, isaga oo ku baaqay in Waddamada Xubnaha ka ah ISA ay xoojiyaan Iskaashiga iyo wada-shaqaynta ku aaddan horumarinta Tamar nadiif ah oo waarta.
Wafdiga Soomaaliya waxaa sidoo kale ka mid ahaa Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Indiya iyo mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ka-qaybgalka Soomaaliya ee Shirweynahan Caalamiga ah wuxuu muujinayaa muhiimadda ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya siinayso xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dhinacyada Tamarta, gaar ahaan horumarinta Tamarta la cusboonaysiin karo, soo jiidashada Maalgashiga iyo ka faa’iidaysiga Fursadaha Tiknoolajiyadeed ee kor u qaadi kara helitaanka Tamar ah nadiif oo waarta

