Riyadh-Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO ee Anshaxa Garaadka Macmalka, oo Maanta ka furmay Magaalada Riyaadh ee Dalka Sacuudi Carabiya.
Shirweynahan oo soconaya 14 ilaa 17 Sebtembar 2026, waxaa si wadajir ah u qabanqaabinaya UNESCO iyo Dowladda Sacuudi Carabiya, waxaana ka qaybgalaya Dowlado, Hay’ado Caalami ah, Khubaro, Aqoonyahanno, Wakiillo ka socda qaybaha gaarka loo leeyahay iyo Bulshada Rayidka ah.
Hal-ku-dhegga Shirweynaha Sanadkan ayaa ah: “Transforming Global Cooperation for Ethical AI Governance” (Horumarinta Iskaashiga Caalamiga ah ee Maamulka Anshaxa Leh ee Garaadka Macmalka ah), kaas oo xoogga saaraya xoojinta Iskaashiga Caalamiga ah si loo helo hannaan lagu Maamulo Garaadka Macmalka ah oo ku dhisan Mas’uuliyad, Anshax iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.
Shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama Dalka uu ku jiro marxalad lagu Horumarinayo Siyaasadaha iyo Sharciyada la Xiriira isbeddelka Dhijitaalka ah iyo Garaadka Macmalka ah.
Wasiir Axmed Diiriye ayaa sidoo kale ka qaybgalaya dood heer Wasiirro ah, isagoo madasha ku soo bandhigaya muhiimadda Iskaashiga Caalamiga ah ee Garaadka Macmalka ah (AI) iyo doorka Dowladuhu ku leeyihiin dejinta siyaasadaha iyo hannaan Maamul oo hubinaya in AI loo adeegsado si Mas’uuliyad iyo Anshax leh.
Madashan ayaa sidoo kale ah markii ugu horreysay ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Anshaxa AI lagu qabto dal Carbeed, iyadoo Riyaadh ay martigelinayso Wakiillo Caalami ah iyo go’aan-qaadayaal ka kala socda Dalal badan.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee Madashan ayaa Fursad u siinaya inay la wadaagto khibraddeeda ku aaddan isbeddelka Dhijitaalka ah, isla markaana ay ka faa’iidaysato Aqoonta, Iskaashiga iyo taageerada Farsamo ee Caalamiga ah ee ku saabsan Maamulka iyo isticmaalka Mas’uuliyadda leh ee Garaadka Macmalka ah.

