Dowladda Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka heer Wasiir ee Taageerada Quddus

Cammaan(Wargeyska Dalka)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimiyiinta ee Urdun, Mudane Ayman Safadi, ka hor furitaanka Shirka heer Wasiir ee lagu taageerayo Quddus iyo Goobaha barakeysan ee ku yaalla.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xaaladaha Gobolka, iyagoo Carabka ku adkeeyeen mowqifkooda adag ee ku aaddan taageerada qadiyadda Falastiin iyo muhiimadda ay leedahay in Beesha Caalamku sii xoojiso dadaallada lagu ilaalinayo laguna taageerayo Magaalada Quddus iyo Goobaha barakeysan ee ku yaalla.