Iyada oo uu sii xoogaysanayo xiriirka ka dhaxeeya Dawladda Soomaaliya iyo dalalka caalamka, isla markaana ay si is daba joog ah dalka u soo booqanayaan wufuud caalami ah, ayaa waxaa Shaley Muqdisho soo gaaray wafdi balaaran oo ka socday dalka aanu walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta.
Wafdigaan oo uu hoggaaminayey Mudane Sheikh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan, oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee *Imaaraadka ayaa socdaalkoodu waxa uu ahaa mid in muddo laba usbuuc ah ay socotay qabanqaabadiisu, salkana ku hayay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya.
Waxaa jiray warar been abuur ah kuwaas oo saacadihii la soo dhaafey lagu faafiyay warbaahinta baraha bulshada ee kuwaas oo socdaalka wafdigaan la xiriirinayay imaantinka mid ka mid ah wufuudda caalamiga ah ee soo booqday dalka.
Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA waxay caddeyneysaa inaanu jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeyaa labada socdaal, iyada oo qorshaha booqashada wafdiga ka yimid Dawlada Imaaraadka Carabta uu hore u qorsheysnaa muddo labo todobaad ah ka hor ah, isla markaana khuseeyay oo kali ah xiriirka ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.