Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo ku aaddan khasaarihii soo gaaray Safaaradda Dawladda walaalaha nahay ee Qatar taas oo ku taala caasimadda Jamhuuriyadda Ukraine, Kyiv,taas oo loo geystay duqayn.
Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkaynaysaa mabda’a Aasaasiga ah ee Sharciga Caalamiga ah ee ah in Goobaha Diblomaasiyadeed yihiin kuwo aan la taaban karin, iyadoo Xoogga saaraysa Waajibka saaran dhammaan dhinacyada in ay Ilaaliyaan Dhismayaasha Diblomaasiyadeed iyo Shaqaalahooda, si Waafaqsan Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.
Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedu waxay si Buuxda u muujinaysaa Garab Istaag, Dawladda aan walaalaha nahay ee Qatar iyo Shacabkeeda, waxayna ku baaqaysaa in si Buuxda loo Dhowro Shuruucda iyo Xeerarka Caalamiga ah, lana Xaqiijiyo Badbaadada Dhammaan Hay’adaha Diblomaasiyadeed.
Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku celcelinaysaa Mowqifkeeda ku aaddan Taageeridda Nabadda, Xasilloonida, iyo Dhowrista Sharuucda Caalamiga ah.

