Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweyne Saddex Maalmood ah kaas oo diiradda lagu saari doono Is dhexgalka Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta Soomaaliyeed iyo qorshayaasha Dowladda, Shirkaas oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha JFS, isaga oo kaashanaya Waaxda Arrimaha Qurba-Joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamza Aadan Xaadow, ayaa sidoo kale ka qeyb galay Munaasabadda furitaanka.
Shirkaan waxaa isugu yimid 30 Hoggaamiye oo ka tirsan Qurba-Joogta Soomaaliyeed, kuwaas oo ka kala yimid Qaaradaha Yurub, Waqooyiga Ameerika, Bariga Dhexe iyo Afrika, iyo sidoo kale wakiillo ka socda Hay’adaha Dowladda Federaalka.
Ujeeddada Kulanka ayaa ah in la diyaariyo Hannaanka Is dhexgalka Qurba-Joogta (Diaspora Engagement Roadmap), kaas oo la waafajinayo khibradda, xiriirrada iyo maalgashiga Soomaalida Dibadda ku nool iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029.





