Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada lagu qaaday garoomada Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Abha iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee King Khalid ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, weerarradaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo dhaawaca dad kale oo badan.

Weerarradani waxay xadgudub weyn ku yihiin sharciga caalamiga ah, waxayna khatar toos ah ku yihiin madaxbannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo amniga gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, maadaama dowladda Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka xeebaha ku leh Badda Cas, waxay aaminsan tahay in amniga gobolka Gacanka iyo Badda Cas uu si dhow ula xiriira amnigeeda.

Sidaas darteed, Dowladda Soomaaliyeed waxay ku baaqeysaa in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada lagu beegsanayo kaabeyaasha rayidka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska dadkii ku dhintay weerarrada, Sidoo kale, waxay u rajeynaysaa dhammaan dadkii ku dhaawacmay weerarradaas caafimaad