Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday gobolka Karak ee dalka Urdun.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkii argagixiso ee lagu qaaday kaniisad ku taalla Gobolka Karak, dalka Urdun ee Boqortooyada Haashimiyiinta, weerarkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo si nabad ah ugu sugnaa goobtaasi.

Goobaha nuucaani ahi ee ee bulshada iskugu timaado, waana in la dhowraa lana ilaaliyaa.

Dowladda Soomaaliya waxay cambaareyneysaa khasaaraha nafeed iyo dhibaatada ay argagixisadu geysto, waxayna diiddan tahay rabshadaha iyo xagjirnimada nooc kasta oo ay yihiin.

oomaaliya waxay garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka dalka Urdun, waxayna tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska ay eheladoodu ku dhinteen weerarka.

Sidoo kale, waxay dhaawacyada u rajaynaysaa caafimaad degdeg ah, iyadoo ku baaqaysa in caddaaladda la horkeeno dhammaan dadkii mas’uulka ka ahaa weerarkaasi.

 

 

FB_IMG_1792829254835.jpg