Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Aqoonsiga Kolombiya ee Madax-banaanida Buuraleyda Golan

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- War-Saxaafadeed:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa go’aanka ay Dowladda Kolombiya ay ku aqoonsatay sheegashada Israa’iil ee ku aaddan Madax-bannaanida Buuraleyda Golan.

Aqoonsi kasta oo noocaas ah waa mid aan waxba ka jirin, wuxuuna ka hor imaanayaa Sharciga Caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, Buuraleyda Golan waa dhul Suuriya ay leedahay oo la haysto.

Dowladda Soomaaliya waxay taageereysaa in khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Suuriya lagu xalliyo wada hadal iyo u hoggaansamidda Qaraarrada khuseeya ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo xaqiijinaya Xaqa Suuriya u leedahay in si buuxda loogu soo celiyo Dhulkeeda la haysto ee ku yaalla Xuduudihii ka horreeyay 1967.

Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dhammaan Dowladaha, oo ay ku jirto Kolombiya, inay dhowraan Sharciga Caalamiga ah, Ixtiraamaan Madaxbannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Dowladaha, ayna diidaan Aqoonsiga Dhulalka la haysto.

war.jpg