Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD, kaas oo wata calanka Jasiiradda Comoros.
War-saxaafadee ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in markabku uu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM, Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnadduna ay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in marka laga soo tago qalabka ciidan markabku uu siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.
“Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.
Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed”.
Dowladda Federaalka Soomaaliya:
1. Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.
2. Waxay uga digeysaa Puntland sii socoshada dhammaan hawlgallada sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha ku aaddan maamulkeeda, isla markaana ugu baaqaysaa in ay kala shaqeeyso Dowladda Federaalka, xaqiijinta marin ammaan ah oo fududeeya Isku socodka maraakiibta ku shaqeysa oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.
3. Waxay caddeyneysaa in ay ka go’antahay ka hortaga falalka burcad badeednimo iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh burcad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah.
Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda.
Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah. Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka.