Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan.
Hagahan waxaa Dowladda Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi; dhinaca Qaramada Midoobay waxaa u saxiixay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan iyo Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Latouff. Saxiixani wuxuu ka tarjumayaa dib-u-habayn qaran oo joogto ah, wuxuuna xoojinayaa isla-xisaabtanka hay’adaha amniga iyo badqabka carruurta.
Qorsha howleedkan wuxuu ku dhisan yahay horumarkii la gaaray sannadihii u dambeeyay wuxuuna muujinayaa go’aanka Dowladda Soomaaliya ee ah in laga hortago xadgudubyada culus ee ka dhanka ah carruurta, isla markaana si dhow loola shaqeeyo saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo ilaalinta mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.
Munaasabadda saxiixa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha Guddiga Isku-dhafka Wasaaradaha ee Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha Hubaysan (CAAC), ee Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.







