Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa Kulan laba geesood ah la yeeshay Agaasimaha Gobolka Yurub ee World Health Organization, Dr. Hans Henri P. Kluge, intii ay socotay Madasha Dubrovnik.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo WHO, si loo taageero mudnaanta ay Soomaaliya siisay horumarinta waaxda Caafimaadka.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen ballaarinta Iskaashiga farsamo iyo horumarinta yoolalka wadajirka ah ee Caafimaadka Bulshada.
Waxa ay sidoo kale dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay sii wadidda Iskaashiga lagu xoojinayo nidaamka Caafimaadka iyo tayeynta Adeegyada Daryeelka Caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya.



