Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Maalgashiga iyo Ganacsiga Saaxil-Saxaraha (BSIC) ee Ururka Bulshada Dowladaha Saaxil-Saxaraha (CEN-SAD) Dr. Axmed Cumar Al-Haadi (Al-Tarhouni).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa iskaashi shaqo oo dhex mara bangiga BSIC iyo bangiyada Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta dhinaca maaliyadda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto mashaariicda maalgashiga iyo horumarinta ee bangiga BSIC ka fuliyo dalal kala duwan oo qaaradda Afrika ah.



