Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ayaa si weyn oo buuxda u xaqiijisay garab istaaggeeda Midnimada, Madax-bannaanida, iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya . Dowladda Shiinaha ayaa arrintaan ku tilmaamtay mid muhiim u ah ilaalinta Qaranimada Soomaaliya iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.
Hadalkan ayaa ka soo baxay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay , kaas oo ay Soomaaliya codsatay si looga wada hadlo faragelinta Dibadda iyo khataraha ka dhasha tallaabo kasta oo wax u dhimaysa Madax-bannaanida Dalka.
Sidoo kale, Dowladda Shiinaha ayaa ku boorisay Beesha Caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka iyo Midowga Afrika, in ay qaataan mowqif mideysan oo lagu difaacayo Madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana laga hortago faragelin kasta oo Dibadda ka timaadda.
Gabagabadii Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo caddeysay in ilaalinta Midnimada, Madax-banaanida Soomaaliya ay tahay waajib Caalami in la ilaaliyo.

