Dowladda Shiinaha oo sheegtay in ay adkaynayso midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirku wuxuu xusay in dowlada Shiinuhu ay adkaynayso midnimada Soomaaliya, iyadoo ay ixtiraamayso qawaaniinta caalamiga ah ee qeexaya madaxa-bannaanida ay leedahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intaas ka dib, Safiirka ayaa Guddoomiyaha la wadaagay in Dowladda Shiinuhu ay diyaarisay barnaamij aqoon is-waydaarsi iyo aqoon kororsi ku saabsan howlaha sharci dejinta, korjoogtaynta iyo maamulka ay iswaydaaran doonnaan Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Shiinaha, taas kaalin wayn ka qaadan doonta adkaynta xiriirka labada Baarlamaan.