Dowladda Shiinaha oo lacag dhan 360 bilyan oo Yuan u qorsheysay maalgelinta Afrika

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) kaga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo Afrika, isagoo xusay in xiriirka labada dhinac uu gaaray heerkii ugu wanaagsan taariikhda.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado caddaaladda, sinnaanta, iyo iskaashiga dhinacyada warshadaha, beeraha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyada oo xoogga la saarayo samaha bulshada iyo horumarinta deegaanka.

Wuxuu ku dhawaaqay toban hindise oo iskaashi, kuwaas oo ay ka mid yihiin kor u qaadista waxbarashada iyo tignoolajiyada, taageeridda haqab-beelka cuntada, iyo horumarinta tamarta cagaaran, waxa uu sidoo kale soo bandhigay qorsheyaal lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo nabadda.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa ugu dambeyn ballan qaaday in Shiinuhu uu bixin doono taageero maaliyadeed oo dhan 360 bilyan yuan si loogu fuliyo qorshayaashan saddexda sano ee soo socota.